Sacuudiga oo soo bandhigay hal qodob oo fulintiisa lagu xalin karo xiisada Khaliijka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, oo Saxaafada kula hadlay magaalada Jiddah ee xarunta dalka Sacuudiga, ayaa shaaca ka qaaday in Khilaafka Xulafada iyo Qadar uu soo dhamaan doono keliya goortii la xiro saldhiga militari ee Turkiga ku leeyahay Qatar.

Wasiir Al-Juber, waxa uu sheegay inay adkaan doonto in xal laga gaaro Khilaafka dowladaha Khaliijka inta uu Saldhiga Turkiga ka howlgalaayo dalka Qadar.

Waxa uu tilmaamay in dowlada Turkiga ay faragalin xoogan ku heyso amuuraha Khaliijka isla markaana la doonaayo in Qadar ay go’aan ka gaarto Saldhiga Turkiga.

”Uma dulqaadan doono in saldhiga militari ee Turkiga ku leeyahay Qatar uu sii shaqeeyo, waayo Turkiga waxa uu si xooli ah colaado uga dhex abuurayaa wadamada Khaliijka waa in wadahadal ka hor la xiraan Saldhiga militere ee Turkiga”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, waxa uu codsaday in wadahadal ka hor la xiro saldhiga militari ee Turkiga ku leeyahay Qatar.

Sidoo kale, Al-Juber waxa uu carab dhabay in dowlada Turkiga ay xasarad ka dhex abuureyso Saldhiga militere ay ku leedahay Qadar, hayeeshee aan loo dulqaadan doonin inuu sii shaqeeyo Saldhiga.

Haddalka Al-Juber ayaa u muuqanaaya mid ay Xulafada ku dooneyso in lagu xiro Saldhiga, si ay u baacsadaan dowlada Qadar oo aad u yar dhulka ay ku fadhiso iyo cadadka muwaadiniinteeda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com