Sacuudiga oo taageeray qorshaha Masar ee Somalia xilli ay kasii dareyso xiisadda Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladaha Masar iyo Sacuudiga ayaa isku raacay in la taageero madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyada oo Riyadh soo dhaweysay kamid noqoshada Masar ee howlgalka cusub ee Soomaaliya.

Masar ayaa haatan qorsheynaysa inay qeyb ka noqoto ciidamda cusub ee Midowga Africa ee Soomaaliya imaan doona sannadka soo socda, iyadoo durba bilowday dhaq-dhaqaaqeeda Soomaaliya.

Kulan ay magaalada Qaahira ku wada yeesheen madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ahna ra’iisul wasaaraha dalkaas, Maxamed bin Salmaan ayay labada dal xoogga ku saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga iyo nabadda ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen labada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Sacuudiga iyo Masar ay ka go’an tahay hirgelinta go’aankii Jaamacadda Carabta ee horaantii sanadkaan, kaasi oo ku aadana taageeridda amniga, xasilloonida, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada dowladooda xoojiyeen muhiimadda ay leedahay u hogaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga, horumarinta nabadda iyo ka fogaanshaha xiisadaha iyo colaadaha ka dhici kara gobolka.

Sacuudiga ayaa haatan muhiimad gaar ah siinaya ka qeyb noqoshada Masar ee howlgalka Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay dadaallada joogtada ah ee Qaahira ay ugu jirto xasilloonida iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya,

Waxa uuna si gaar ah ugu mahad-celiyay Masar dalabkeeda ku aaddan ka qeyb-galka howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu door muhiim ah ka ciyaaro xaaladda Geeska Afrika.

Si kastaba, arrintan ayaa imaneysa xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeyso Itoobiya, taas oo soo bilaabatay horraantii sanadkaan kadib markii Addis Ababa ay is-afgarad la saxiixatay Somaliland, kaasi oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda.