Waxaad arki qaar doonayo dad muddo kooban u shaqeeyo si bilaash oo xirfad gooni ah leh sida xisaabiye, kaakaaliso/liye, dakhtar ama maamule. Waxaad arki qaar doonayo dad dariiqyada ku soo marmaro oo dadka lacag ooga soo aruuriyo. Dadkaan ay doonayaan oo dhan kuma jiro wax ay rabaan inay muddo la joogaan ama ay mid noqdaan howlaha ay hayaan ee waqtigooda iyo xirfadooda ayay rabaan inay ka faaiidystaan.
2: Howlahoodu waa sir
Ha noqdaan kuwa masaajid gacanta ku hayo, ha maamulo xoolo agoomeed ama ha aruuriyo qaaraan, dhammaan intaan ka xog hayo samafalayaasha Soomaalidu howlahoodu ma daah furna. Waxay ku shaqeeyaan xaalad sir ah oo xisaab ahaan iyo maamul ahaanba ay adag tahay in la ogaado. Intooda badan ma lahan meelo lagu soo bandhigo waxa soo galo iyo sida ay u baxday, ma qabtaan shirar ayay taageerayaashooda kula wadaagayaan xogta la xariirto dhaqaalaha soo galay iyo sida loo maamulay. Lama yaqaan waxay gunno ahaan u qaataan howl wadeennadooda mana soo bandhigaan qarashaadka ku baxo hwol maalmeedkooda.
Ma beeqaamiyaal qarashaadka ku baxo howlaha ururka ama hayadda sida ay u tashiilaan kuwa ku baxo guryahooda. Tusaale, haddii daabacaha masaajidka ay ka dhamaadaan waraaqaha, maamulku wuxuu soo gadi kuwa ugu dhow. Waqti galin mahayo inuu helo kuwa ugu jaban halka marka uu gurigiisa u gadanayo uu waqti galiyo inuu helo kan ugu raqiisan ee uu heli karo. Sidoo kale, waxaan marar badan arkay in qarashaad badan oo laga maarmo si fudud lagu galo laguna qoro xisaabta ku baxdo howlaha ururka.
Waa taas ayaan is leeyahay sabata ay u diidaan inay dadka la wadaagaan waxa ku baxo. waayo dadku wuu niyad jabi haddii ay arkaan sida xad dhaafka ah ee loo qarash gareeyo lacag ay naftooda oo u baahan bixiyeen.
Bal u fiirso dhammaan inta aad aragto urur samafal sida ay u shaqeeyaan. Haddii ay jiraan kuwo aad xubin wax bixiso ka tahay wali ma laguu soo diray warbixin ku saabsan waxa lagu qabtay lacagtaad bixiso iyo sida la yeelay? Marar badan oo aan isku dayay inaan kala hadlo arrihama daahfurnaanta kuwo aan la shaqeeyay dhib badan oo ugu danbayn inaan iska casilo howshaan hayay keenay ayaa kala kulmay.
Arrintaan waxaa aad ugu sii dheer kooxaha hayo masaajidda oo ay ahayd inay noqdaan hormuudka daahfurnaanta iyo muraayadda laga isku eego. Nasiib darro masaajidda gaar ahaan kuwa qurbaha waxay ka mid yihiin meelaha ugu musuqa badan ee bulshada loogu adeego. Haddii aad tiraahdo sidaan wax ha laga baddalo waxaa hal hays ah “sirta masaajidka ha faafin iyo xumaanta lama sheeg sheego”.
3: Cid kale ma ogala
Marka hore ee lagu jiro aasaaska, dadka waxaa loo sheegaa in ujeedku yahay waxqabad howshuna bulshadu leedahay. Mar haddii waxa loo shaqaynayo ay tahay horumarinta bulshada waa loo qaateen in warka hore run yahay dadkuna sidaas ayay aaminaan. Waxaa lagu xisaab tamaa in ujeedka ururku yahay horumarin sidaas darteedna cid walba oo wax hagaajin karto uu u furan yahay.
Laakiin taasi ma dhacdo. Marki uu ururku xoogaa shaqeeyo waxaa ku imaan habacsanaan iyo dib u dhac. Wuxuu u baahan dhiig cusub oo dhaqaajiyo. Halki la raadin lahaa ciddii horay u wadi lahayd, aasaasayaasha ayaa jeebka ku ridan. Kuwa qalbi-samida kula socday ee sawaxanka soo raacay marki ay dhahaan dad cusub oo shaqada dhaqaajiyo aan keenno, waxay helaan jawaab keento niyad jab.
Aasaasayaashu waxay isku koobaan dhammaan howlaha maamulka iyo go’aan gaaridda. Waxay dadka ka xiraan inay qaataan door wax ku ool ah oo ururka iyo bulshadaba anfici lahaa. Xataa haddii ay u muuqato in ururki xirmayo ma aqbalaan badbaado cid kale waddo ee inay xiraan ayay ka door bidi. Marka ugu danbaysana dhowrki aasaastay ayaa isku qabato oo mid walba isku dayaa inuu kan kale cira u fiiriyo.
Arrintaan xataa kuwa masaajidda hayo kama badbaadin. Masaajidda qurbaha waa la kala dhacaa. Sida loo wada socdo ayaa la isu qayilaa ilaa mid walba ku dadaalo inuu tuuro midka kale. Midki la saaro meel fog ma aadee jidka dhiniciisa ayuu mowlac cusub ka aduudaa. Masaajidda dalki ku yaal arrintan kuma badna sababta waa inaan laga helin wax lacag ah. Kuwa dakhliga leh kuwa qurabaha ayay la mid yihiin maamulkooduna waa sir.
Mid aan anigu isku bartay
Qodob afraad ayaa ah inaan anigu is bartay intaan la shaqaynayay ururradaan. Waxaan bartay inaan ka mid noqon karin xisbi noocuu rabo ha noqdee. Ka mid noqoshada urur, xisbi ama koox waxay rabtaa daacadnimo qaas ah oo keenayso inaad ka tanaasusho wax badan oo aad aaminsan tahay. Maslaxada ururka ama kooxda ayaa loo baahan yahay inaad ka hormariso waxa aad adigu u aragto xaqa. khaladaad badan oo kuu muuqdo waa inaad iska indho tirtaa. Madaxda kooxda waa inaad sax iyo khaladba ku difaacdaa. Waa inaad noqotaa darbiga ilaaliyo danaha kooxda ama ururka.
Dhammaan arrimaha aan soo sheegay ee laga rabo qofka xisbi galayo waxay noqdeen kuwo igu adag. Uma dul qaadan karo laba wajiilayn ah dadkana wax loo sheego mid kala lagu dhaqmo. Aaad ayay iigu adkaatay inaan sax iyo khaladba koox aan ku jiro ku garab istaago. Ammaanta madaxda kuma fiicni, khidmayntana waaba la iga habaaray. Sidaas darteed koox walba oo aan galo waxaan noqonayaa safka danbe (back bench).
Inaan naftayda sidaas u bartay waxay ka mid tahay faaiidooyinka aan ka helay la shaqaynta ururrada samafalka. Ma dayn doono inaan la shaqeeyo dad wanaag wado. Laakiin waxaan kula shaqayn sida na wada anfacayso anigoon beeco iyo heshiis tacasub keenayo galin.
Khaladaad walba oo jiro samafalayaashu waxay hayaan shaqo aan caadi ahayn. Waxaa ku tiirsan nolosha kumannaan caruur, waayeel iyo dan yar kale ah. Waxay hormuud ka yihiin goobaha waxbarashada iyo kuwa cibaadada. Waxay u istaageen howlo dadka intiisa badan aysan rabin inay qabtaan sidaas darteed mar walba waa ammaanan yihiin. Waxayse u baahan yihiin inay wax ka bartaan khaladaad shaqada la xariiro. Waxay rabaan horumarin xagga shaqada ah iyo hufnaan xagga nidaamka ah.
Eebe ayaa waafajinta leh
Ibrahim Aden Shire
ishire86@gmail.com
https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/