Safiirka Somalia ee Libya oo si weyn loogu dhalleeceyay arrin uu sameeyay + Sawirro

Tripoli (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Liibiya Cabdi Aadan Diiriye ayaa kasoo muuqday warbaahinta isaggoo xiran dhar u muuqda kuwa dhaqameedka dalkaasi, xilli laga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirannimo.

Danjire Diiriye ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay arrintaan, iyadoo dad badan oo ka fal-celiyay ay sheegeen in ugu yaraan ay aheyd inuu xirto dharka dhaqan ee dalka uu metelayo ee Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Liibiya ayaa waxaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay madaxweynaha golaha Madaxtooyadada Liibiya Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi.

Caasimada Online oo idin soo aruurisay fal-celinta ka dhalatay sawiradda la baahiyay ee danjire Diiriye ayaa waxaa kamid ah;

Maxamed Cadnaan: “Malaha safiirka Soomaali uma eeka!.”

Shuceyb: “Waxa iiga daran muu dharka dhaqankiisa ku labisto kuna faano inta uu ku labisan lahaa dhar umad kale dhaqankooda ah.”

“Waa Safiir Soomaaliyeed ma waayay dharka Dhaqanka u ah Soomaalida? Ma Liibiyaan baa iyagaa dharkaan xirta?. Dal burburay iga dheh,” ayuu yiri Sakariye Maxamed Isticmaar.

Axmed Jaamac: “Hadda labadaas qof kuma u eg Liibiyaan. Wallaahi waan ka naxay dharka uu xidhay safiirku.”

Cabdicasiis Yuusuf Cigaal oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa isna waxa uu yiri “Maxay Safiirnimaddiisa taraysaa hadiiba uusan hal ruux magafe ka sii dayn karin, bal waxa aad noola imaateen eegga!!.”

Si kastaba, Soomaaliya iyo Liibiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo dhawaan ay labada dhinac yeesheen wada-hadallo dhabaha u xaaraya sidii dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo sanado ku dhibaateysan xabsiyada dalkaasi.

Liibiya ayaa sidoo kale waxaa ku sugan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado magafe uu ku haysto dalkaasi, waxaana ku haysata xaalado nololeed oo aad u daran.