Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xil-kii looga qaaday duqa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraa, Safiyo Xasan Sheekh Cali.
Sababta xil-ka looga qaaday Safiyo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha magaalada Beledweyne.
Sidoo kale isla wareegtadan ayaa waxaa xil-kaasi loogu magacaabay, Nadar Tabaax Maalin oo la amray inay si deg-deg ah xil-ka ula wareegto.
Waxaa sidoo kale la faray dhammaan hay’adaha amniga iyo shacanka inay la shaqeeyaan Nadar, si u gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
Safiyo Macalin Xasan oo xafiiska joogtay muddo sanad iyo bilooyin ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqota Duqa degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Halkan hoose ka aqriso: