Saraakiil iyo askar loo xiray weerarkii xeebta Liido + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Jimcihii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa halkaasi

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo xalay booqday isbitaalka Digfeer oo la dhigay dhaawacyada ugu badan ayaa ka warbixiyay tallaabada ay qaaday dowladda, wuxuuna xaqiijiyay in lasoo xiray dhammaan askartii iyo saraakiishii qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah”. ayuu yiri.

Xamza ayaa sidoo kale dhaawacyada uu booqday u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, wuxuuna ballan qaaday in xukuumaddu ay garab istaagi doonto.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in Al-Shabaab markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay bilaabeen beegsiga dhallinyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka, kuwaas oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkooda,

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqa in falkan uu muujinayo in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Shabab gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraa ayaa intii uu booqashadiisa ku guda jiray wuxuu la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, waxa uu warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag.

Ugu dambeyn wuxuu ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.