Sawirka madaxweyne Xasan uu la galay Rashiid Cabdi ee muranka xooggan dhaliyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xooggan ayaa ka dhalatay sawir uu twitter-ka soo dhigay Rashiid Cabdi, oo ka tirsan hay’adda Sahan Research, oo ah isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Qoraal la socday sawirka ayuu Rashiid ku yiri “Waxaan xafiiskiisa ku booqday madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Sharaf iyo mudnaan weyn. Hogaamiye cajiib ah oo leh hammi gubaya oo ah inuu ummadiisa hagaajiyo. Waxaan u rajaynaynaa guul iyo caafimaad wanaagsan.” 

Go’aanka uu madaxweyne Xasan Sheekh sawirka kula galay Rashiid Cabdi ayaa dhaliyey weerar xooggan oo kaga yimaaday taageerayaasha Nabad iyo Nolol ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Waxay madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyeen inuu sharciga dalka jebiyey, oo uu qaabilay “eedeysane baxsad ka ah” cadaaladda dalka. 

Maxay arrintan salka ku haysaa?

October 26, 2021, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun shan sano oo xabsi ah ku riday Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ahna agaasimaha Sahan Research, oo ah hay’adda uu Rashiid Cabdi ka tirsan yahay.

Isla go’aankaas ayey Maxkamadda gobolka Banaadir ay ku sheegtay inay wax dambi ah ku weysay eedeysanayaasha kala ah; Rashiid Cabdi, Kheyre Cabdiraxmaan, Emmanuel Deiser, David Hopkins iyo nin kale oo ajnabi ah.

Eedeymaha u weyn ee loo haystay ayaa waxaa kamid aheyd inay bixiyeen xogta ammaanka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay basaasnimo.

Hay’adda Sahan Research ayaa waxaa shaqadii gudaha dalka laga joojiyey bishii December ee 2018-kii, kadib markii uu maamulka Farmaajo u arkay inay khatar ku tahay amniga iyo dowladnimada dalkeena.

Maxay ku doodayaan Nabad iyo Nolol?

Ka hor inta aan go’aanka maxkamadda lagu dhowaaqin, waxaa jirtay in April 15, 2021 ay maxkamadda ay u yeertay Rashiid Cabdi iyo xubnaha kale, kuwaas oo aan iman maxkamadda.

Hadda taageerayaasha Nabad iyo Nolol waxay baraha bulshada wareejinayaan warqaddii hore ee maxkamadda ee loogu yeeray Rashiid Cabdi laguna eedeeyey, hase yeeshee waxay ilowsan yihiin ama iska indho tirayaan go’aankii ka dambeeyey ee maxkamadda. Halkan ka aqriso?

Maadaama Rashiid wax dambi ah lagu waayey, ma jirto sabab madaxweyne Xasan Sheekh uga fogaado inuu sawir la galo ama la kulmo. 

Waxaa sidoo kale jirta in madaxweyne Xasan Sheekh horey u baabi’iyey go’aano loo arkay kuwa siyaasadeysan oo dowladdii Farmaajo ay qaadatay si ay ugu beegsato dadka kasoo horjeeda.

Dowladdii Farmaajo waxay Sahan Research ku beegsatay inay daabici jirtay warbixino ka dhan ah madaxweynihii hore oo ay u gudbin jirtay hay’adaha iyo ururada caalamiga ah. 

Balse wax ay ahaataba, Rashiid Cabdi maxkamad ayaa dambe ku weysay. Sidaas darteedna, xitaa haddii weli xukunka Sahan Research uu taagan yahay, dowladda dambi kama dhigin in Rashiid Cabdi uu kasii tirsanaado hay’adda.