Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii la sogoba asbuuc kadib madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Bishan February si rasmi ah ula wareegay Xafiiska shaqada Villa Somaliya.
Farmaajo ayaa dhawaanahaan ku shaqeenayey xarun kumeel gaar aheyd oo uu ku lahaa Hotel Jazeera oo u dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Caddde International Airport.
Xil wareejintaas ayaa dhacday kadib markii xaflad kooban oo si fiican loo soo agaasimay lagu qabtay Xarunta Villa Somaliya waxaana halkaas gacanta isku qaaday Madaxweyne Farmaajo oo xilka la wareegayey iyo Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka wareejinayey.
Qalab kala duwan oo isugu jiray Dahab iyo Qallin oo intii Madaxweyne Xasan uu taliska haayey hadiyado kala duwan loogu keenay magaca Qaranka Somaliya ayaa la dhigay Xafiiska Shaqada Madaxweynaha cusub.
Haddaba hoos ka daawo sawiradaan cusub ee lasoo bandhigay
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com