Sawiro: Shacabka Muqdisho oo billaabay in gacmahooda ay isaga qaadaan dhagaxda ay DF ku jartay waddooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay billaabay inay gacmahooda isaga qaadaan dhagxaanta dowladda Soomaaliya ay ku goyso waddooyinka magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa xalay dhagxaan cusub dhigay waddooyinka jid-cadayaasha loo yaqaan ee xaafadaha Jidadka Sodonka soo gala taasoo sababtay kacdoon ay sameeyeen Dadweynaha Xaafadda.

Hase yeeshee dadka ku dhaqan Xaafadahaas ayaa saaka bilaabay inay iska qaadaan dhagxaantaas cusub ee ay kusoo tooseen.

Xaafadaha ay dadweynaha billaabeen inay dhagxaanta iska qaadaan ayaa waxaa ka mid ah xaafadaha ku dhow Hotelka Lafweyn iyo xaafadda SIISII, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u badan oo la arkayey iyagoo gacmaha ku qaadayo Dhagaxaanta lagu xiray xaafadahooda.

Qaar ka tirsan dadkaas oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin jidgooyo iyo in cunaqabateyn la saaro xaafadahooda.

Muddo laba sano ah waxaa xiran jid cadayaasha soo galo xaafadaha waddada wadnaha, waxayna Dowladda Soomaaliya waday qorsho ay dooneysay in lagu furo jidadkaas dhagxaantana loo geeyo jidka Sodonka iyo Warshadaha.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay kamid yihiin Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad usoo dhaweeyey arrintaan, waxayna ku tilmaameyn in dhagxaanta ay yihiin kuwa lagu cunaqabateenayo nolosha dadka Muqdisho.