Sawirro: Askar jebisay amar ay bixisay dowladu oo lasoo xiray – Maxaa loo haystaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir oo kaashanaya hey’adaha ammaanka caasimadda Muqdisho ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari.

Askartaan ayaa ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda, kuwaas oo jebiyey amarkii shalay ka soo baxay taliska booliska Soomaaliya.

Amarka ay askartaani jabisay ayaa ahaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaal-dagayo maalmaha xoriyadda Soomaaliya, maadaama ay marar hore khasaare nafeed geysteen xabadaha ay askartu u rido dabaal-degga maalmaha xoriyadda.

“Waxaa socota baaris, maadaama uu jiraan khasaare ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee la riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa warkaan ku sheegay in askartaan markii uu soo dhamaado baaritaanka ku socda la horgeyn doono Maxakamadda awooda u leh inay qaado kiiskaan.

“Hay’addaha ammaanka waxa ay baadi goob ugu jiraan tiro intaan ka badan iyo gaadiid xabado riday xalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii booliska ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in la jebiyo amar soo baxay, sidoo kale waxaa shacabka looga codsaday qoraalkaan inay booliska ama hey’adaha kale ee ammaanka la soo wadaagaan xogta qof kasta oo caqabad ay u arkaan.

“Waxaan shacabka Caasimadda ku nool ka codsanaynaa in ay nala soo wadaagaan cid walba oo amniga lidi ku ah, adiga oo nagala soo xariiraya xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo wacaya 991,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Ciidamada booliska gobolka Banaadir ayaa muddooyinkaan kordhiyey howlgallada iyo shaacinta dembiilayaal lasoo qabtay, taas oo ka dhigan in wax badan ay iska bedelayaan amniga caasimadda.

Hoos ka eeg sawirrada askarta la soo qabtay