Sawirro: Barnaamij noociisu ku cusub yahay dalka oo ajaanib badan lagu baray Afkeenna

Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamij noociisu ku cusub yahay dalka ayaa waxaa ajaanib badan lagu baray Afkeenna Hooyo ee Soomaaliga, kaasi oo kaalin mug leh ka qaadatay Akaademiyadda SODMA.

Akaadeemiyadda Somali Digital Media Academy (SODMA) ayaa tababar muddo saddex bilood ah socday u soo gaba-gabeysay qaar kamid ah jaaliyadaha Carabta ee ku nool Soomaaliya, kuwaas oo la barayay asaasiyaadka luqadda Soomaaliga.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradda waxbarashada iyo akadeemiyada cilmiga dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhammaan xubnihii goob jogaa ka ahaa madasha ayaa boogaadiyay shaqada ay qabatay akadeemiyada SODMA, maadama ay barnaamijka sameysay uu yahay midkii ugu horeeyay ee laga sameeyo dalka, kaasi oo ah in luuqada Afka Soomaaliga lagu baro dadka ajaanibta ah.

Tan ayaa kaalin mug leh ka qaadaneysa isdhex-galka bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay u hayaan howlaha kala duwan sida; isbitaalada iyo Jaamacadaha ku yaalla dalka.

Barnaamijkaan oo loogu magacdaray TAWAASUL ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in luuqadda Soomaaliga lagu baro waalalaha Carbeed ee dalkeena ku soo badanyay sanadihii dambe.

Dhinaca kale, Akadeemiyada SODMA oo ah xarun lagu barta culuumta Saxaafadda Dijitaalka ah ayaa soo kale dhowaan bilaawday barnaamij loogu magic daray (Bayaan) kaasi oo luuqada carabiga lagu barayo dadka daneynaya, waxaana barnaamijka bixinaya macalimiin u dhashay dalka Sudaan.

Isku soo wada duubo, Akadeemiyada SODMA ayaa soo saartay dhallinyaro badan oo ay bartay xirfadaha muuqaal toobista iyo sameyntooda iyo culuumta la xariirta Saxaafadda Dijitaalka ah.