Sawirro: DF Soomaaliya oo qaxootigii ugu badnaa kasoo daabushay waddanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen ayaa ku guulaysatay in dalka dib loogu soo celiyo qaxooti Soomaaliyeed oo muddo ku xanibnaa dalkaas, Kuwaas oo kasoo ambabaxay magaalada Caden.

Dadkan oo gaaraya 157 qof oo Soomaali ah ayaa ka koobnaa rag, haween iyo carruur kuwaas oo qaba daruufo isugu jira mid nololeed iyo mid caafimaad.

Waxaa dib u soo celinta muwaadiniintan Soomaaliyews ka shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo kaashaneysa hay’adda UNHCR.

Cabdikariim Naasir Saciid (Cabdi Dheeg) sii-hayaha safaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo dekeda kula hadlay shacabkan ayaa u rajeeyay in ay si nabad ah ku gaaraan dalkooda.

Cabdi Dheeg ayaa u mahad-celiyay madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, madaxda wasaaradda arrimaha dibadda, hay’adda UNHCR iyo dowladda Yemen kaalinta ay ka geysteen dib-u-celinta shacabkan.

Barnaamijkan soo noqoshada oo ay fududeeysay UNHCR waxaa lagala kaashaday hay’adaha samafalka ka shaqeeya ee Yemen iyo Soomaaliya.

Yeman ayaa ah dalka seddexaad ee marti geliya qaxootiga ugu badan ee Soomaali ah, waxaana lagu qiyaasay tiradooda 71,000, oo qof sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR

Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer hore uga deyrisay nolsoha ay ku jiraan qaxootiga Afrikaanka ah ee ku sugan Yemen, kuwaas oo wajahaya xaalad nololeed oo adag.