Sawirro: Duulimaadka tooska ah ee Egypt Air oo si rasmi ah looga daah-furay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay dhiggiisa Masar Badar Cabdulcaadi oo maanta Muqdisho u yimid daah-furka duulimaadka tooska ah ee diyaaradda Egypt Air.

Wasiir Fiqi oo shir-jaraa’id qabtay ayaa faah-faahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee Wadan.

Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-banaanida dalka.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kadib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhax-maray Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Masar ayaa sanado badan saaxiib la aheyd Soomaaliya, laakiin waxay ku jirtay dowladihii ay xiriirkooda hoos iska dhigtay xukuumadii Farmaajo, balse dowladda Xasan ayaa ku soo celisay booskeedii saaxiibka dhow, taas oo dhashay in Egypt Air ay timaado Muqdisho.

Duulimaadka tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daah-furay ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasi oo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u dambeeyay kusoo xirmayay duulimaadyo caalami ah oo hadda yimaada garoonka Aadan Cadde, kuna sii xira dalalka kale ee caalamka.