Sawirro: Golaha Wasiirrada oo caawa yeeshay kulan looga hadlay qodobo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaasi oo dhaca Khamiis kasta, balse waxaa laga soo hor mariyey waqtigiisa.

Kulanka caawa ee golaha ayaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania.

Heshiiskaas ayaa ku saabsan iskaashiga difaaca labada dal, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre.

Shirka caawa waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana jiray ajendayaal kale.

Waxaa lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira amniga, halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), Jihaynta warbaahinta iyo canshuurta gadista ee dalka laga dhaqan geliyay.