Sawirro: Guudlaawe oo qaaday tallaabo muhiim kadib dabkii baabi’iyey suuqa Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-gboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta qaaday tallaabo muhiim ah, isaggoo guddoomiyey shir loogu gurmanayo ganacsatadii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed, guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macalin, waxaana Warbixino looga dhageystay wasiirada arrimaha guddaha, ganacsiga, gargaarka iyo sidoo kale guddiga ganacsatada dhibka gaaray.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta masiibooyinka qaranka ee (SODMA) Maxamuud Macalin ayaa kulankaan ka sheegay sababta ay u yimaadeen magalaada Jowhar inay tahay uruurinta xogta musiibadii dhacday iyo qaabkii loo sameyn lahaa gurmad loo dhanyahay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay dadka ku ganacsanayay suuqa hanti-wadaag ay soo gaartay dhibaato weyn oo ay ku ceytoobeen dabkii ka kacay suuqa.

“Dadkii ku hanti beelay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, hadda waa ceyr aan waxba heysan, anaga iyo hay’adda SODMA waxaan u istaagnay in si deg-deg ah loogu gurmado dadkaas, sidoo kale waxaana dalbaneynaa in la garab istaago dadka masaakiinta ah ee ku hanti beelay musiibada,” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale, guddoomiyaha SODMA iyo wafdiga uu horkacayo ayaa booqday suuqa Hanti-wadaag, wuxuuna soo indho-indheeyay baaxada dabkii baabi’iyay hantida ganacsatada suuqaasi, oo uu saameyn ballaaran kasoo gaaray.

Guddoomiyaha ayaa sidoo klae suuqa kula kulmay qaar kamid ah ganacsatadii ku hantibeelay dabkaas, oo la sheegay inuu sababay in ay baa ba’aan 500 oo goobo ganacsi ah.