Jigjiga (Caasimada Online) – Ciidamo iyo gaadiid hor leh oo Itoobiyaan ah ayaa jimcihii soo galay gudaha Soomaaliya kadib markii ay ka soo gudbeen magaalada Jigjiga.
Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in kolonyo badan oo ay boqolaal askar ah saaran yihiin ay soo gudbeen 48-dii saac ee la soo dhaafay usoo gudbeen Soomaaliya .
Ciidamadan oo ku wajahan qeybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka waxaa dusha uga qornaa midowga Afrika. Dowladda federaalka ah, AMISOM iyo xataa Itoobiya ma jirto cid ilaa hadda ka hadashay ujeedka loo keenay iyo wax loo adeegsanayo.
Arrintan ayaa dhalisay shaki weyn mar haddii inta dooxatada ku timaada ee Itoobiyaan ah ay ka badan yihiin inta sidata koofiyada AMISOM iyo ciidamada Itoobiya oo cinwaan u noqday in loo adeegsado cabburinta dowlad goboleedyada iyo guud ahaan federaalka ka hirgalay Soomaaliya.
Itoobiya iyo Soomaaliya
Marka laga soo tago taariikhda gumeysi ee Itoobiya, dagaallo iyo loolan qarniyo badan dhexmarayey labada dal hadana Adis Ababa kuma shaqeyso sharci, mana ixtiraamto daris wanaagga iyo madaxbannaanida Soomaaliya.
Itoobiya waxaa ay Soomaaliya iska dhexjoogtay tan iyo 1996-dii, inkasta oo ay Xamar timid iyada oo Mareykanku taageerayaan, horsocotana TFG-da xilligaas ka mid ma aheyn AMISOM ilaa markii dambe lagu daray January 22, 2014, waxaana la shaaciyey tiro 4,000, isbadalna kuma dhicin, laakin tirada saxda uu u joogta waxaa lagu qiyaasay in ka badan 15,000, oo 11,000 oo ciidamadaas ah kama tirsana AMISOM, waxayna si sharci darro ah uga hawlgalaan gudaha Soomaaliya.
Sector-3 oo ahaa qeybta madax looga dhigay, Baydhaba ilaa Baladweyn iyo qeybo Gedo ah waxaa loogu talo-galay tiro ahaan ciidankooda AMISOM ku jira ilaa Baidoa and Beled Weyne. Ciidamada Sector-3 u jooga waxaa sharci ah qeyb joogta Baydhabo, halka ay ciidamo kale ay iskeed u geysay Buurhakaba, Bardaale, Qansax Dheere, Diinsoor oo Bay ah iyo Xudur, Waajid iyo Ceel-Barde oo Bakool ah.
Intaas kuma koobna ee ilo xog-ogaal ayaa xaqiijiyey in ciidamada Itoobiya ee aan qeyb ka aheyn AMISOM ay sidoo kale joogaan Sector 2 oo labada Jubba ah oo Kenya ay madax ka tahay, Sector 4 oo Hiiraan iyo Galgaduud ah oo Djibouti ay joogaan iyo xataa Sector 5 oo Shabeellada dhexe ah oo Burundhi loo dhiibay, intaba Itoobiya waa joogaan, qeybna kama aha AMISOM.
Dowladda federaalka ah halkii ay xakameyn laheyd ciidamada Itoobiya, kana saari laheyd dalka kuwa sharci darrada ah waxaa ay dhiirigelisaa in qaar cusub yimaadaan, isla markaana ay adeegsato sida dhacday markii ay la dagaashay Mukhtaar Roobow(2018), doorashadii Axmed Madoobe(2019), xiisadda Baladxaawo iyo doorashada Galmudug(2020).
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye
Goobjoog News