Sawirro: Magaalada Garoowe oo caawa gubaneysa

Garowe (Caasimada Online) – Dab xoog leh ayaa caawa fiidkii ka kacay kaalin Shidaal oo ku taalla magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Waxaa ilaa hadda socda daminta iyo la tacaalida dabkaas oo ah mid xoogan, sida ay ku waramayaan goobjoogayaal qeyb ka ah gurmadka socda.

Dabka ayaa markii hore ka kacay Geerish gaadiidka lagu dayactiro oo ka ag-dhowaa Kaalinta Shidaalka ee 3CC oo dabku gaaray, markii lagu guul-dareystay in la demiyo.

Dabka ayaa sii fiday oo gaaray heer la xakamey waayo markii uu qabsaday kaalintaas Shidaalka oo ka mid ah goobaha Shidaalka lagu iibiyo ee ugu waaweyn magaalada Garowe.

Sidoo kale dabku wuxuu burburiyey oo ku sii faafayaa goobo ganacsi oo aaggaas ku yaalay, maadaama la xakameyn waayey kaalintii shidaalka iyo Garaashkiina uu soo baabi’iyey.

Gaadiidka Dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa ku howlan ilaa xakamaynta iyo daminta dabkaas, waxaana caqabad noqotay goobta dabku ka kacay oo ahayd isku raran aan lahayn jidad badan oo laga gali karo.

Ma jiraan wax Khasaare nafeed ah oo Garoowe laga soo weriyey, laakiin waxaa burburtay hanti badan, dabkuna wuxuu ku sii siqayaa goobop ganacsi oo horleh.