Sawirro: Muxuu Xasan kala hadlay siyaasiyiinta Somaliland ku metesha DF Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan Qado sharaf ah la qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda Federaalka ku matala gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay masuuliyiinta uu la kulmay dadaalka ay dowladdu ku bixinayso ka hortaga faragelinta shisheeye, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ku bogaadiyay doorkooda isku haynta bulshada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Dhankooda siyaasiyiinta ayaa Madaxweynaha la wadaagay inay ku faraxsan yihiin mowqifka uu dowladda ku jaheeyey ee difaaca dalka, gaar ahaan gobollada ay ka soo jeedaan ee Somaliland.

Sidoo kale, siyaasiyiinta Somaliland ayaa madaxweynaha ka balan-qaaday in xeelad kasta ay adeegsa doonaan si looga guuleysto damaca ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya, maadaama ay ka soo jeedaan deegaanka.

Soomaaliya waxaa ka socda munaasabado waaweyn oo lagu xusayo toddobaadka xoriyadda, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar badan hoosta ka xariiqay in midnimada Soomaaliya ay lama huraan tahay.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raadinaya farsamooyin lagu soo xero geli karo Somaliland, taasi oo maanta uu siyaasiyiintaan uu kala tashaday.