Sawirro: R/W ku-xigeenka dalka oo maanta tallaabo qaaday xilli uu wajahayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta wasaaradda qorsheynta, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay wasiir Beene Beene iyo shaqaalaha wasaaradda.

Saalax oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ujeedkiisa uu ahaa u kuurgelidda howlaha shaqo ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Sharaf bay ii ahayd in aan saaka kormeer ku tago Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha, aan na mid-mid u tago waaxaha hay’addan si aan u arko shaqada baaxadda leh ee ay dadweynaha u hayaan” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyay shirka jiheynta qorshaha isbeddelka qaran oo muhiim u ah dowladda Soomaliyeed.

“Intii aan kormeerkan ku jiray waxa aan sida oo kale guddoomiyey shirka hoggaaminta ee jiheynta Qorshaha Isbeddelka Qaran oo ah ajande muhiim ah oo dardargelin doona xowliga horumarinta iyo taabbagelinta dawladnimada, amniga, dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada si dalku u gaadho yoolasha qaran ee uu higsanayo” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxa aan shaqaalaha iyo kaadariinta diyaarinta qorshahan ku hawllan la wadaagay farriinta madaxda qaranka, waxa na aan ku la dardaarmay labajibbaaridda dadaalkooda si waqtiga u cayiman uu qorshahani u gu meelmaro”.

Tallaabadan uu qaaday Saalax ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan uu wajahayo culays  wayn oo kaga yimid dhinaca madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo qorsheeyay inay soo magacaabaan ra’iisul wasaare ku xigeen labaad oo uu yeesho dalka, kaas oo la siinayo Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qorshahan oo xalay banaanka usoo wada baxay ayaa la filayay in lagu magacaabo kulankii ay yeesheen golaha wasiirada balse dib ayaa loo dhigay, kadib abaabul ay sameeyeen siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi oo isugu tagay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kuwaas oo diidan qorshaha lagu soo dhisayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed horay uga balan qaaday in kursigaas uu siinayo, waxaana socda balanqaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo. Madaxweynaha ayaa xiligaas reer Koonfur Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda uu siinayo  Koonfur Galbeed.