Sawirro: Xamza oo qaaday tallaabo ka hor inta uusan kasoo dhoofin BAYDHABA

Muqdisho (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalmahan safar ku joogay magaalada Baydhabo ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa inta uusan kasoo dhoofin garoonka magaalada Baydhabo, waxa uu kormeer ku tegay Terminalka garoonka oo la keenay qalab casri ah.

Qalabkan cusub ee ra’iisul wasaaraha indhaha soo saaray ayaa la filayo in uu gacan ka geysto hagaajinta adeega duulista hawada ee magaalada iyo Koonfur Galbeed guud ahaan.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta garoonka, kuwaas oo uga warbixiyay horumarada laga sameeyay qeybta duulimaadyada iyo adeegyada casriga ah.

Qalabka cusub ee la keenay garoonka Baydhabo ayaa ah mid kaalin weyn ka qaadan doona fududeynta safarrada, kordhinta amniga, iyo horumarinta adeegyada macaamiisha.

Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Baydhaba, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulammadaas oo uu goobjoog ka ahaa Lafta-gareen ayaa qeyb ka ah socdaalka raiisul wasaaraha ee Baydhabo oo ujeedkiisu ahaa xoojinga nabadda, wadajirka bulshada iyo horumarinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.