Sawirro: R/W Xamza oo u baxay safar dibadda ah iyo arrin uu sameeyay ka hor

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay uga qayb-galaya kalfadhigga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaan arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha waa wayn ee ay ku tiirsatay dowladda federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

Shirkan oo ah sanadle ayaa waxaa isugu tega madax kala duwan oo ka socoto caalamka, kuwaas oo xarunta Qaramada Midoobay ee New York ka jeediyo khudbado kala duwan.

Soomaaliya ayaa horay shirkan uga qayb-gashay, waxaana fagaaraha QM tegay ra’iisul wasaareyaal hore iyo madaxweynayaal uu ku jiro midka hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha ayaa maanta kahor inta uusan dhoofin ka qeyb-galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo maydkiisa la keenay Muqdisho.

Mudane Xamza ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxuumka jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.