Sawirro: R/W XAMZA oo maanta xilka u kala wareejiyay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska & guriyeyta, Cilmi Maxamud Nuur iyo wasiirkii hore Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.

Ra’iisul Wasaaraha oo halkaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa waxa uu tilmaamay in wasaaradda hawlaha guud ay kamid tahay wasaaradaha muhiimka u ah qaranka.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha u rajeeyay wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.

Mudane Xamza ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore oo hadda noqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka labbaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

Dr. Maxamed Cilmi Nuur ayaa toddobaadkii hore dib ugu soo laabtay golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Ninkan oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD waa mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaana waa reer Boorama.

Intii mucaaradka la’ahaa wuxuu waqtigiisa u huray Xasan Sheekh iyo xisbigiisa. Markii ay doorashada ku guuleysteen waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, laakiin 11 bilood kadib waxaa shaqada looga eryay si foolxun oo aan la fileyn inuu Xasan Sheekh ula dhaqmayo qof kooxdiisa, weliba qof sida Dr. Cilmi oo kale ah.