Sawirro: Rooble oo ballan-qaad u sameeyey Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku joogo magaalad Dhuusamareeb ayaa kulan la yeeshay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta Galmudug kala dhexeyso iyo arrimo kale.

Rooble oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn boggaadiyey shaqooyinka u qabsoomaya golaha wasiirada Galmudug, isaga oo kula dar-daarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale wuxuu balladan qaaday in xukuumaddiisa ay gacan weyn siin doonto Galmudug, si ay uga gubto caqabadaha heysta maamulkaasi.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Rooble wuxuu waday safaro uu ku kala bixinayey xarunta dowlad goboleedyada ka jira dalka, isaga oo booqday magaalooyinka Baydhabo iyo Garoowe oo uu u tegay arrimo la xiriira xalinta muranka ka taagan doorashooyinka dalka.