Sawirro: Sheekh Shariif oo xildhibaan loo doortay

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlada HirShabelle, sida uu shaaciyay guddiga SEIT ee HirShabelle.

Doorashada kursigaan ayaa waxaa ku baratamtay labo musharax oo kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Abuukar Axmed.

Kadib Guusha Shariif waxaa xarunta madaxtooyada maamulka HirShabelle ku qaabilay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

“Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka BJFS waxaana xilka loo doortay ugu hambalyeeyay Madaxxweyne Cali Guudlaawe Xuseen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada HirShabelle.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif ayaa waxaa Baarlamaankii 10aad ku fadhiyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadda sidaa ku noqday Xildhibaan kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.