Sawirro: Wafdiga Xasan oo caawa gaaray Nairobi

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey wafdigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarro shaqo ku marayey dalalka gobolka Geeska Afrika ayaa safarka uu ku tegay Nairobi uga soo kicitimay Jabuuti.

Safarkaan uu ku jiro Xasan Sheekh ayaa gaar u ah dalalka qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda.

Xasan Sheekh ayaa waxaa caawa Nairobi uga bilaabanaya wadahadallo uu la yeelan doono dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safaradii kan ka horeeyey ku tegay dalalka Uganda, Burundi iyo Jabuuti, wuxuuna kulamo lasoo qaatay madaxda dalalkaas.

Qorshaha safarkaan ayaa salka ku haya isbedelka dhamaadka sanadkaan lagu sameynayo ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Itoobiya oo kamid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayuu Xasan Sheekh ka saaray liiska dalalka uu safarkaan ku tegayo, sababtuna waa khilaafka ka dhexeeya labada dal.