Sawirro: Wasiirka difaaca Kenya oo maanta soo gaaray Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiir Aadan Barre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Wasiir Aadan Barre iyo wafdigiisa ayaa la xiriira dagaalka Al-Shabaab iyo iskaashiga amni ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa gali doona wada-tashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardar-galinta howl-galada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ee dhibaatada xoogan ku haya shucuubta gobolka.

Kenya ayaa hore uga mid aheyd heshiis ay dalalka safka hore ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dhigayay in ciidamo ka socda oo ka madax-banaan ATMIS ay qeyb ka noqdaan wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, waxaana looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka kooxda ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado wejiga hore ee dagaalka oo hadda dhameystirkiisa uu ka socda gobollada dhexe, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.