Sawirro: Xasan Sheekh iyo Xamza oo madaxtooyadda ku qaabilay Bayraktar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Dr. Alparslan Bayraktar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wasiir Bayraktar iyo wafdiga uu horkacayo ayaa ka qeyb-galaya munaasabadda taariikhiga ah ee soo dhawaynta markabka Oruç Reis ee howlaha shidaal sahminta ah u yimid Soomaaliya.

Kulanka madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga, waxaa sidoo kale qayb ka ahaa ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Oruç Reis ayaa saakay soo istaagay dekedda magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ka socoto qaban-qaabada munaasabad lagu soo dhaweynayo markabkan oo bilaabi doona baarista shidaalka ee Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiinta Turkiga ka yimid ayaa ka qeyb-galeysa munaasabada soo dhaweynta markabkan oo ah mid taariikhi ah.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, iyada oo horraanta sanadkan ay labada dhinac qalinka ku duugeen heshiiska dhanka difaaca ah, kaas oo xukuumadda Ankara u ogolaanaya inay la wareegto difaaca biyaha Soomaaliya.

Labada dal ayaa sidoo kale dhawaan gaaray heshiis baaris shidaal ah, kaas oo dhigaya in Turkiga uu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya.