Sawirro: Madaxweyne Xasan oo maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Midowga Yurub Marwo Karin Johansson.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusamareeb u jooga hoggaaminta dagaalka ka dhanka aragagixisada ayaa waxay danjiraha cusub ee Midowga Yurub ugu hambalyeysay dowladda shacabka Soomaaliyeed guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab.

Marwo Karina Johansson ayaa sidoo kale waxay madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Karin ayaa ka wada-hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan howl-gallada sifeynta kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa intii kulanka socday u xaqiijiyay danjiraha in dowladda federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Xasan ayaa weli magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Dhuusamareeb u jooga dardar-gelinta dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, xilli ay socdaan howl-galladii u dambeeyay ee lagu soo afmeerayo wejiga koowaad ee dagaalka.

Si kastaba, wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa dhawaan bilaaban doona, kadib marka uu soo idlaado gulufka uu madaxweynuhu xarunta uga dhigtay Dhuusamareeb, kaasi oo dhameystir u ah wejiga hore ee dagaalka, si loo guda-galo wejiga xiga oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.