Sawirro: Xasan Sheekh oo billaabay qorshe culus oo ka dhan ah gardarrada Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah diblomaasiyiinta caalamiga ah ee Muqdisho ku sugan, isagoo warbixin ka siiyey xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee gilgileysa gobolka.

Kulamada oo gaar ahaa ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta la yeeshay xubno ay ka kid yihiin Ergeyga joogtada ah ee Denmark u fadhiya Qaramada Midoobay Ms. Christina Markus Lassen, safiirka Denmark ee Soomaaliya Steen Sonne Andersen iyo Agaasimaha siyaasadda horumarinta iyo maaliyadda ee Afrika Mr. Ketil Iversen Karlsen.

Villa Somalia waxay qoraal Twitter-ka lagu baahiyey ku sheegtay in kulamadaas looga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Denmark ee dhinacyada amniga, isbeddelka cimilada, dowlad-dhisidda, iyo horumarka.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno xog ogaal ah, Madaxweynaha iyo diblomaasiyiinta uu maanta qaabilay ayaa kulamadooda diiradda ku saaray xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna madaxweynaha la wadaageen walaaca ay qabaan iyo in wadahadalku uu xal u yahay xiisadaan.

Waxaa jiray kulan kale oo isla maanta uu Xasan Sheekh xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern, kaasi oo si gaar ah ula kulmay Madaxweynaha.

“Madaxweynaha iyo danjiraha intii uu socday kulankooda waxay sahmiyeen siyaabaha loo sii wanaajin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Sweden ee dhinacyada muhiimka ah ee danaha iyo faa’iidada u leh labada dhinac,” ayaa lagu yiri qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay kulankaas.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda weli joogta dagaal adag oo diblomaasiyadeed, waxaana muuqata in Soomaaliya ay ku adkaatay dagaalka diblomaasiyada, isla markaana ay dunida tustay inay Itoobiyaanku qaldan yihiin.

Markaan waxaa laga cabsi qabaa inuu bilowdo gacan ka hadal, maadaama dalal kale oo Masar iyo Turkiga ay ugu horeeyaan ay soo farogiyeen xiisadda, isla markaana soo garab istaageen Soomaaliya, iyagoo dalka keensaday ciidan, diyaarado iyo dabaabaad ciidan.