Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulan tacsi ah, lana kulmay Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta booqday hoyga ay taalo Gogosha Tacsida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade ayaa saxiixay Buugga tacsida Ugaaska.

Madaxwaynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeey qoyska, iyo ehelada Marxuumka waxa uuna Alle u weydiiyay in uu hoygiisa ka yeelo Janatul firdowsa.

Hoyga uu ka furan yahay buuga tacsida wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo Ugaaska qaraabadiisa ah.

Arrinta cajiibka ah waa in kolanyada Madaxweynaha aan jidka loo xirin, waana tallaabo dhif iyo naadir ah.

Gaadiidka Madaxweynaha iyo kan shacabka ayaa is dhex qaaday galabta, isgoysyada oo gaadiid badan ay buuxaan ayuu gaadiidka Madaxweynaha si tartiib ah u dhex maray.