Saxafiyad qurba-joog aheyd oo lagu dilay beer ay ku laheyd AFGOOYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Amuun Cabdullahi Maxamed, oo aheyd saxafiyad Soomaaliyeed oo qurbo joog ah ayaa lagu dilay degmada Afgooye.

Amuun oo tobanaan sano ku nooleyd dalka Sweden, balse sannadihii u danbeeyay dalka daganeyd ayaa todobaadkaan lagu dilay beer ay ku laheyd meel aan ka fogeyn degmadaasi.

Sida aan wararka ku helnay laba nin oo wajiyada soo duubtay ayaa Amuun ku dhex dilay beer ay iyadu laheyd, oo halkaasi ku taalla.

Weli lama oga sababta loo dilay Amuun iyo cidda ka danbeysay, waxaana socota baarista kiiskaan.

Maxaan ka naqaana Amuun?

Wariye Axmed Idawaqaca oo kamid ah dadka sida dhow u yaqaanay sanadaha badan ayaa sheegay in AUN Amuun ay muddo ka shaqeynaysay raadiyaha Sweden qeybta Af-Soomaaliga, oo ay ka gaartay illaa maamule.

Sidoo kale waxay kusoo shaqeysay turjumaan, maadaama ay muddo deganayd Sweden ayna si fiican u taqaanay Swedishka, iyada oo waxbarashada illaa heer jaamacadeed ka gaartay.

“Waxay go’aansatay inay ku laabato waddanka, halkaas oo guri ka iibsatay, kadib Afgooye ayey u wareegtay oo beero ayay ka sameysatay, ceelal ayay halkaas ka qoday.” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dad ayaa halkaas ka shaqeynayay oo mushaar loo qoray, dad kale ayay gacan ku haysay, oo mashaariic horumarineed oo dowladdo la rabay inay sameeyaan ayey halkaas ka hirgelisay.”

Amuun ayaa lagu sifeeyay gabadh dadaal badan, oo karti badan, ugu yaraana laba jeer ay hay’addo caalami ah ku abaal-mariyeen mihnadeeda saxaafada ee mudada dheer kasoo shaqeynaysay.

Allaha u naxariistee Amuun ayaa hamigeeda uu ahaa inay Soomaaliya ka hirgeliso mashaariic ay ugu weyn tahay beerta lagu dhex dilay toddobaadkan, sida ay sheegeen dadka u dhow-dhow.