Senator Dubbe oo si weyn u difaacay Saalax kadib go’aankii Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa si weyn u difaacay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac oo sidoo kale ah Senator ka tirsan golahaasi, kadib markii uu maanta guddoomiye Cabdi Xaashi ka xayuubiyay xubinimadiisa Aqalka Sare.

Dubbe oo ka hadlay kulankii maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Saalax uu lamid yahay Senatorada maqan illaa tan iyo markii lasoo doortay, isaga oo intaas ku daray inuu hayo shaqo kale oo qaran, maadaama uu yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka.

“Senator Saalax Axmed Jaamac wuxuu lamid yahay Senataro Aqalka ka maqan sidii loo doortay weliba isaga waxa uu dheeryahay in shaqo qaran uu hayo” ayuu yiri Dubbe.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in tallaabada uu qaaday Cabdi Xaashi ay tahay mid qaran jab ah oo aan laga fiirsan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu xusay in guddoomiyaha aanu xaq u lahayn inuu beddalo Senator, mid kalena uu soo magacaabo, maadaama doorasho lagu soo galay golaha.

“Haddii Senator walba uu Cabdi Xaashi badali karo mid kalena soo magacaabi karo sidii RW Xamza Cabdi Barre waxay noqoneysaa taariikh qaran jab ah,Bal waa kaase badal 54-ta senator oo idil” ayuu mar kale yiri Senator Cismaan Abuukar Dubbe. Maxay ka dhigan tahay tallaabada uu maanta qaaday  Cabdi Xaashi?

Guddoomiyaha Aqalka Sare tallaabada uu maanta qaaday wuxuu ku sheegay in aanu ra’iisul wasaare ku xigeenka aanu marna soo xaadirin kulamada golaha, sidaasna uu ku waayay kursigiisa.

“Sida ku cad qodobka 59aad farqadda 1aad ee Dastuurka KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinnimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ma uusan soo xaadirin Golaha Aqalka Sare BFS afar kalfadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa, sidaa darteed wuxuu lumiyay Xubinnimadiisii Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.