Shanta arrin ee dowladnimo dhameystiran ku gaari karto Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku iftiimiyay xaaladda cakiran ee dowladnimada Soomaaliya, isagoo dul istaagay astaamaha dowlad nugul iyo sababaha keenay burburka hay’adaha dowladeed.

Wuxuu xusay in Soomaalidu yihiin dad wadaaga isir, diin, dhaqan iyo taariikh, balse dadaalladii ay ku doonayeen in ay dhistaan dowlad ku dhisan dan-wadaag iyo ilaalinta karaamada muwaadinka aysan guulaysan. Taasi beddelkeeda, wuxuu sheegay in Soomaaliya lagu tilmaamo dowlad fashilantay, haatanna la tixgeliyo inay tahay dowlad nugul.

Qoraalka xildhibaanka ayaa si qoto dheer u sharraxay tilmaamaha dowlad nugul, isagoo soo jeediyay in xalka nugaylka uu ku jiro qirashada dhibka jira iyo helidda hoggaan leh hufnaan, himilo qaran iyo karti hoggaamineed oo mideyn kara shacabka.

Waxa uu xalka ku xidhay shan arrin oo kala ah; dawlad matasha muwaadinka, hoggaan dhab ah, karti maamul, dhisidda kalsoonida bulshada, iyo isla xisaabtan dhab ah. Talooyinkiisa ayaa si toos ah ugu wajahan sidii dib loogu hanan lahaa dowladnimo sal adag leh, taasoo ka turjumaysa baahida deg-degga ah ee isbeddel hoggaamineed iyo midka hannaanka dawladnimo.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Soomaalidu waa ummad wadaagta isir iyo degaan, diin iyo dhaqan, hiddo iyo taariikh, waxay isku dayeen in ay dhistaan dowlad diinta, dhulka, isirka iyo dhaqanka u ilaalisa, laguma guulaysan oo waa tan nala oran jiray dowlad fashilantay, haatanna na loo baasiyey dowlad nugul.

Tilmaamaha dowlad nugul

1. Bulsho kala qaybsan, kalana aaminbaxsan, yartahay kalsoonida shacabka ku qabo dowladda.

2. Colaad sokeeye weli ku jira, Dowladduna dalka wada xukimin.

3. Hay’adaha dowladdu karti uma laha sugidda amniga, meelmarinta sharciga, iyo bixinta adeegga dadwaynaha.

4. Dhibaatooyin bani’aadannimo oo baahsan ayaa jira; cunto yari, barakac, qaxooti iyo ku tiirsanaan gargaarka caalamiga ah, nidaamyada daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada oo liita.

5. Shaqo la’aan baahsan, musuqmaasuq xargga goos ah, iyo ku tiirsanaanta kaalmada dibadda.

6. Kaabayaasha dhaqaalaha oo liita iyo fursadaha dhaqaale oo kooban.

Sideen nugaylka uga bixi karnaa?

Waa in aan marka hore qirano in aan cudurka nugaylka qabno, dawadiisana raadinno, si taas loo xaqiijiyana waa in;

1. Dawladdu matasho danaha iyo baahida muwaadinka, maamulkeedana loo aqoonsado mid sharci ah oo xaq ku dhisan, waxna ka qabato tabashooyinka taariikheed, kala qaybsanaanta qabiil iyo faragelinta shisheeye.

2. Hoggaamiyuhu waa lafdhabarta hanaqaadka dowlad nugul, waa in uu yahay ruux hiraal ummadeed leh iyo aftahannimo uu ku bayaamiyo, yididiilo iyo dareen wadaniyadeed abuuri kara, dulqaad iyo dad isku wad leh, qaadan kara go’aano sax ah oo uu xaaladaha qalqalka iyo hubanti la’aanta ummadda kaga gudbiyo, ka foogaado wax kasta oo bulshada kala qaybinaya, iska horkeenaya, ama damqinaya dhaawacyada.

3. Karti Maamul: Waa in la helaa maamul dowladeed oo hawlwadeenkiisa lagu xulay karti, hufnaan, iyo daacadnimo si loo xaqiijiyo sugidda amniga, bixinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

4. In la dhiso is aaminaadda bulshada iyo kalsoonida ay dawladda ku qabaan, si taa loo xaqiijiyana waa in la kobciyaa dhaqanka wanaagsan ee bulshada, lana daweeyo keeda liita, iyadoo la adeegsanayo waanada diinta, manhajka waxbarasho iyo hal abuurka suugaanta, fanka, farshaxanka iyo masraxa.

5. Isla-xisaabtanku waa sida keli ah ee looga hortegi karo sabibihii dumiyey dowladda sida;, eexda, musuqmaasuqa, ku takri falka awoodda dowlada iyo hantida qaranka. Haddii uusan isla-xisaabtan jirin qof walba oo xil dowlad qabta wuxuu kaga faa’iidaysanayaa dan gaar ah, mid ehel ama qabiil, taasoo horseedaysa ka aaminbaxa dowladda iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaheeda.