NISA mid kamid ah hay’addaha amni ee ugu awooda badan Soomaaliya, waxa magaceeda ku lamaansana cabsi ay shacabka ka qabeen sanado badan.
Haddii ay kugu soo dhacdo maxaa looga baqa marwalba, jawaabtu waa inaysan laheyn hay’adda sharciyo qoran ku dhisan oo aad taqaano xadkeeda iyo kaaga.
NISA oo magaceeda NSS lagu aasaasay 53 sano ka hor dambiyo badan ayaa lagu eedeeya, welina dad laga yaabo ehelkooda lagu dhibaateeyay ayaa cadaalada helin, sababto ah sharci lagu qaado madaxdeeda iyo saraakiisheedaba majirin.
Waxyaabihii ay koox siyaasadeedkii Manafeysto ka dalbatay in uu baabiiyo Maxamed Siyaad Barre ayay ku jirtay NSS oo maanta loo yaqaano NISA.
Hadaba 53 sano kadib waxay dooneysa NISA inay sharci noqoto oo sharci ku dhaqato, xad yeelato, madaxdeeda lala xisaabtami karo oo awoodeeda la yaqaano.
Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo toddoba billood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixiyeen kadibna la filayo in loo gudbiyo baarlamaanka si uu u ansixiyo kadibna u baahan doona saxiix madaxweyne.
Hadadba, warbixintaan waxa ku eegi doona sharciga loo sameeyay NISA iyo faa’iidada ku jirta.
1. NISA waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha maniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay. In sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan – Sharcigu waa aas-aaska hay’add walba.
Adduunyada kale shuruuc ayey leeyihiin hay’addaha noocan ah. Marka laga hadlayo Soomaaliya in 53 sanno ay hay’addan sharci laheyn waxay aheyd nasiib darro weyn.
2. Sharcigaan loo sameeyay NISA waxa uu cadeynaya waxay hay’addan xaqa u leedahay iyo waxay xaqa u laheyn ee ay tahay inay u dhaafto laamaha kale amniga ee dowladda.
Sharcigaan wuxuu dabraya madaxda hay’adda oo waagii hore aysan awoodooda ay xadidneyn.
Sida ku cad cutubka 4-aad qodobkiisa 13-aad ee sharciga la ansixiyay, sharcigan waxa uu hay’adda usoo dejinaya heerka isla xisaabtanka oo muddo fog ka maqneyd.
Tusaale; Cutubka 5-aad ee qoddobka 38-aad ee sharciga uu Golaha Wasiirada ansixiyeen waxa uu ka hadlaya xuquuqda dadka hay’addu soo xirto.
Markii hore majirin sharci, xuquuq iyo xeer dadkaas lagu dhaqo. Wixii la doono ayaa lagula kici jiray dadka ay soo xirto hay’adda.
Hadda, Cutubka 5-aad qodobkiisa 38-aad xarafka C waxa uu leeyahay qof walba oo ku jira gacanta hay’adda lama jirdili karo, lamana maskax iyo mooral dili karo.
Isla qodobkaan xarafka E waxa uu leeyahay dumarka ku jira hay’adda NISA waxa halka ku xiran yihiin ilaalinaya ilaalo hoosaad dumar ah oo waxa loola dhaqamaya shareecada Islaamka. Qoddobkaan iyo xarfihiisa waxay soo afjarayaan tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA.
3. Shacabka: Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho aad ayey uga fogaadeen NISA, waxaa sabab u ahaa in loo arkayay ama ka muuqday dhaqan aad uga badalan ciidanka kale.
Waxaa kamid ah; Xabsiyo qarsoodi ah oo dadka la geysto oo illaa qofka la soo xirtay ay qoskiisa garan waayan nolol iyo geeri mid ay ku tiriyaan, laakiin sharciga loo sameeyay NISA cutubkiisa 7-aad qodobkiisa 50-aad waxa uu mamnuucaya in hay’adda yeelan karto xabsiyo qarsoodi ah.
4. Maxaa u diiday madaxdii hore in hay’adda sharci u sameeyaan?
Soomaaliya iyo meelo badan oo Afrika kamid ah qofka awooda haysta waa ku adag tahay in sharciga gacmaha u dhiibto, maadama hay’addan kiisas gaar ah lagu fulin jiray waqtiyadii hore. Madaxdii hay’adda soo martay ma aysan rabin raad-raac iyo in maxkamadaha soo fara-galiyaan.
Waxa lagu qeexi kara sababta sharci loogu sameyn waayay hay’addahan awood isku dhajin, sharci diidnimo iyo baahi loo qabay ku tagri-fal awoodeed.