Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta si wadajir ah shir saxaafadeed ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaannada labada Gole, kadib markii ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dalka.
Sheekh Shariif oo madasha ka hadlay ayaa marka hore su’aal ka keenay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay dood xooggan, maadaama ay diideen maamullada Jubbaland, Puntland iyo Mucaaradka.
“See lagu gaari karaa qof iyo cod magaaladaan aan maanta joogno oo caasimada ah oo dowladda ay ku shaqeyneyso ma ka dhici kartaa qof iyo cod dadka inta ay baxaan si xor ah oo xalaal ah cod ma u dhiiban karaan?, su’aashaas ayaa ku taallo” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la cuuryaamiyay shaqadii baarlamaanka dalka, isla markaana shuruucda hadda la meel-marinayo oo uu ugu horreeyo guddiga doorashooyinka loo maray hannaan qaldan oo aan sax ahayn, sida uu hadalka u dhigay.
“Baarlamaanka afka ayaa lagu dhagay waa hay’addii koowaad oo wax dooraneysay, haddii uu shaki soo galo xubnaha codeeyay ma dhan yihiin mise ma dhama? arintaas ogaada waa mid aad u u culus. Sharciyadaan hadda la ansixinaayo nidaamka loo maraayo waa khaldan yihiin, waxa ka dhalanaaya waa in lasii kala fogaado” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.
Dhankiisa xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadalka qaatay ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka hadda jiro uu kasii liito meesha uu joogay baarlamaankii xukunkii milatariga, wuxuuna eedeyn culus u jeediyay guddoonka sare ee labada Gole.
“Runtii waa waa ayaan darro wayn in baarlamaanka labadiisa Aqal ay noqdaan meel ka liidatay baarlamaankii xukunka milatariga oo la leeyahay maanta waxaa timid 173 xildhibaan gacanta ayay wada taageen qof diiday maleh, qof ka aamusay maleh” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Golihii shacabka wuxuu noqday meel lagu sacab tumo oo lagu guul wadeeyo, waana ognahay in xildhibaannada joogay aysan ka badneyn 120 xuldhibaan oo u badan wasiirada”.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ansixinta dhismaha guddigga doorashooyinka uu khilaafsan yahay nidaamka federaalka ee dalka, isaga oo ku dooday in dowlad goboleedyada ka jira dalka ay u madax banaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah.
“Meeshaas waxa kasoo baxay sharci ma’aha nidaamka federaalka waa khilaafsan tahay oo ma ogol hal guddi doorasho wax la yiraahdo, maxaa yeelay waa laba heer dowladeed” ayuu mar kale yiri.