Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhismaha aqalka sare ee Baarlamaanka oo lagu saleeyay maamul goboleedyada ayaa ku dhisan in 6 maamul goboleed loo qoondeeyay min 8 xubnood, halka min 3 xubnood oo loo kordhiyay maamulada Somaliland iyo Puntland.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa tirada beelaha waaweyn ka helayaan Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Haddaba xubnaha Beesha Digil & Mirifle ka heleyso Aqalka sare ee Baarlamaanka 2016 ayaa noqonaya sida soo socota
Maamulada Xubnaha
K/Galbeed 6
Jubbaland 2
Wadarta 8
Guud ahaa tirada Aqalka sare waa 54 xubnood, waxaana loo qeybiyay sida soo socota:
Maamulada Tirada xubnaha
Somaliland 11
Puntland 11
Galmudug 8
Shabeele/Hiiraan 8
Banaadir 0
K/Galbeed 8
Jubbaland 8
Wadarta 54
Isha: Goobjooge