Sheekh AADAN MADOOBE oo ku dhawaaqay go’aan saameynaya 130 xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo guddoomiyay kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada ayaa ka hadlay maqnaashaha xubnaha qaar ee kulamada Golaha.

Sheekh Aadan ayaa shaaca ka qaaday in kala bar xildhibaanada ay maqan yihiin, taasna ay saameyn ku yeelatay howlaha shaqo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in fadhiyadii ugu dambeeyay ay soo xaadirayeen 145 Mudane oo qaarkood dib usoo dhacayay, inta kalena ay maqnaayeen isaga oo tirada maqan ku sheegay 130 xildhibaan. Tirada guud ee xildhibaanada ah ayaa ah 275 Mudane oo metalaya shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaanada maqan aysan wax fasax ka qaadan guddoonka Golaha Shacabka, isla-markaana ay gabeen shaqadooda iyo metelaadooda.

“Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa guud ahaan nahay 275 Xildhibaan, fadhiyada waxaa imaada 145 Mudane halka ay maqan yihiin 130 kale oo aan wax cudur daar ama fasax ah intooda badan laga heyn, Xildhibaanno badan ayaa inta noo yimaadeen nagu dhaheen Guddoomiye maxay u maqan yihiin Xildhibaannadaas waa sax hadalkaas balse waxa ay ahayd in aan annaga dhahno oo aan la xisaabtanno” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhaqan-geliyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, si loola xisaabtamo xildhibaanada maqan.

Waxaa kale oo uu goodiyay in Mudanayaashaasi la marin doonno Xeer Hoosaadka oo uu tilmaamay inuu dhigayo in haddii xildhibaanku maqnaado fasax la’aan labo sano uu xilka ku weynayo.

Marar badan ayaa guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u digay xildhibaanada iska maqan ee aan soo xaadirin kulamada balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday digniintaas.