Cali Wajiis oo la sheegay in uu galay laba dambi oo weyn kadib eedeyntii Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka jawaabay wareysi uu bixiyay Sheekh Cali Wajiis oo uu kaga hadlay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya, ayaa wuxuu sheegay inuu galay laba dambi oo waaweyn.

Cabdiraxmaan ayaa marka hore waxa uu Injineer Yariisow ka difaacay Cali Wajiis oo isagu sheegay inuu dalbaday xilligii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahaa in la faago qabuuraha Iskuul Buluusiya, lagana saaro maydadka.

“Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu Allaha u naxariiste saaxiibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in guddoomiyihii gobolka Injineer Yariisow uu lahaa soo jeedinta in qabuurahaas lasoo fago oo laga saaro dhulkaas, balse ay ka diideen, maadaama la sii rabay shakhsiyaad gaar ah, taasi oo maanta uu ka difaacay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu yiri “Labo danbi ayuu Sheekh Cali mowtada ka galay, markii uu fatwooday in uu qabuuraha la faago iyo markii uu nin geeriyooday oo ay argagexiso dishay eed uusan iska difaaci karin dusha ka saaray.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Waagii aan Naxwaha baran jirnay ayaa kitaabka Alfiyatu Ibnu Maalik, waxay culimada ka sheegi jireen in Sheekha markuu alifayey ee uu marayo tuducda فائقة الفية إبن المعطي “Way ka sarraysaa Alfiyadi Ibnu Mucdhi” ayey ka istaagtay. Ibnu Mucdhi wuxuu ahaa Sheekh hortii geeriyooday oo Kitaab Naxwaxaha alifay.

Ibnu Maalik ayaa riyada ku arkay Ibnu Mucdhi, kolkaa buu ku yiri; Ibni Maalik waan ogahay in ay kaa istaagtay Alfiyadii ee anigaa kuu furayee, waxaa tiraa والحي يغلب الف ميت “oo ah ruux nool kun dhimatay wuu ka adagyahay” taaoo uu ula jeedo, haddii aan noolaan lahaa sidaa ima tiraahdeen.

Halkaa markii ay taagan tahay, ayuu Ibnu Maalik xishooday kolkaasuu dhowrkan tuduc raaciyey tii hore ee ahayd فائقة الفية ابن المعطي

و هو بسبق حائز تفضيلا
مستوجب ثنائي الجميلا
و اللّه يقضي بهبات وافره‌
لي و له في درجات الآخره‌

“Fadli uu iiga horeeyey ayuu koobsaday
Wuxuuna mutay amaantayda
Ilaaheey hibo buuxda ha u qadaro
Aniga iyo isagaba, daroojiyinka sare ee Janada”

Hadda Sheekh Cali Wajiis markii uu dadkii noolaa kula dhici waayey ayuu AUN saaxibkeey Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow u saariyey isku day eed qabuuro faagis ah.

Labo danbi ayuu Sheekh Cali mowtada ka galay, markii uu fatwooday in uu qabuuraha la faago iyo markii uu nin geeriyooday oo ay argagexiso dishay eed uusan iska difaaci karin dusha ka saaray.

“Damiirku hadduu qallalo
Hadduu dufan-raadis yahay
Daliilka hortiisa yaal
Waxaa kaga beegan daah,
Dadkuna badi waa sidaas.”

Hadraawi