Sheekh Shariif oo war culus ka soo saaray qaraxii galabta iyo geerida Abwaan Sugaal

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qoraal ka soo saaray qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa si adag u cambaareeyey weerarkaas argagixiso ee qof naftiisa haligay uu la beegsaday goob ay bulshadu ku nasato oo ku taalla Akademiyada Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada dadkii ku dhintay weerarka, anigoo Alle uga baryaya inuu caafimaad degdeg ah siiyo dadka dhaawacmay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa tacsi gaar ah u diray qoyska, ehellada, iyo bahda suugaanta ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Abwaan Sugaal Cabdulle, oo ahaa halgamaa door weyn ka qaatay dhismaha dowladnimada iyo geeddi socodka nabadda Soomaaliya.

Abwaan Sugaal Cabdulle ayaa ka mid ahaa kooxda fanka ee Booliska Soomaaliya ee Heegan, wuxuu ahaa sarkaal nabadda u ololeeya oo weligiis aan dalka ka bixin, wuxuu ahaa Macalinka kooxda Heegan iyo Abwaan marjac u ahaa fanka.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Guure ayaa yiri “Waxyaabaha lagu yaqaan waa wacyigalinta bulshada iyo wadaniyada uu dadka kala hadli jiray oo suugaantiisu u badan tahay, wuxuu ahaa nin jilaa ah, fanaan heesaha qaada, abwaan iyo sarkaal boolis ah, intaasba waa isku ahaa.”

Sidoo kale Abwaan Guure ayaa sheegay in Abwaan Sugaal Cabdulle uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo sheeko badan, farxad badana ay ka muuqato.

“Shakhsiyadiisa haddii aan kuu soo koobo, wuxuu Abwaan Sugaal ahaa qof lala sheekeysto oo lala fariisto oo la barto oo ka fiican waa yar yahay, sababtoo ah wuxuu ahaa nin in yar haddii aad la sheekeysato aad la yaabeyso xigmadiisa, sida uu u fikirayo, siduu kaaga farxinayo,” ayuu yiri Abwaan Guure oo aad u yaqaanay Abwaan  Sugaal oo maanta la dilay.

Abwaan Sugaal oo horay uga sheekeeyey taariikhdiisa ayaa sheegay in markii uu fanka ku soo biiray uu ku sugnaa magaalada Galkacyo, isagoo yarna uu ku soo biiray kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliya.

“Aniga waxaa la ii soo qoray aniga oo Galkacyo jooga oo gabya, waxaana isoo qortay booliska oo sidaas ayaan ugu biiray Heegan,” ayuu sheegay Abwaan Sugaal intii uu noolaa.