Shirka golaha wadatashiga qaranka oo dib uga furmay Villa Soomaaliya + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa maanta mar kale dib uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lag sheegay in wada-tashiyo kadib ay madaxda isku soo laabteen, isla markaana laga wada-hadli doono muddada uu socdo shirkooda arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka.

“Wadatashiyo ka dib maanta ayaa dib la isugu soo laabtay, iyada oo diiradda la saarayo arrimaha Amniga, Dowlad-dhiska iyo Doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo horay isaga baxay shirkan ayaa weli maqan, wuxuuna ka biyo diiday qorshaha dowladda dhexe ee qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

Dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si loo qanciyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale fashil kusoo dhamaaday, wuxuuna ku adkeystay in doorasho dadban uu ka qabanayo deegaannasa Jubbaland.

Sida uu qorshuhu yahay madaxda ayaa soo saari doonto go’aanno xasaasi ah oo ku aadan shirkooda oo noqday mid kamid ah kuwii ugu waqti dheeraa oo uu hareeyay is jiidjiid u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedka dalka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay looga digay in goluhu soo saaro go’aanno aysan qayb ka ahayn maamullada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka.