Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamul goboleedka Soomaaliyee ee Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa magaalada dhuusabareeb ee xaruunta Gobolka Galguduud ahna Caasimadda Galmudug ka furay shir looga hadlayo Hirgalinta Gudiyada dhamaystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusun.
Shirka looga hadlayo dhaqan galinta heshiiskii Galmudug iyo Ahlusuna waljameeca ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Dalka aanu walaalaha naxay ee Jabuuti ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheekh Maxamed, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha Bulshada .
Axmed Ducaale Geele Xaaf Hoggaamiyaha maamul goboleedka Soomaaliyee ee Galmudug ayaa dadaal xoogan ugu jira dhaqan galinta heshiiskii ka dhacay Caasimadaha Somalia iyo Djabuuti kaasoo ka mid noqday heshiisyada miro dhalay.