Sidee ayey ku timid guusha uu ku faanay R/W Xamza ee xaqiijisay DF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku faanay in guulaha ay gaartay Soomaaliya oo ay ugu weyn tahay deyn-cafinta iyo qaadistii xayiraadda hubka ay ku timid shaqo adag iyo habeenno badan oo loo soo jeeday.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ka qeyb-galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday.

Sidoo kale waxa uu xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

“Geeddi socodka hannaanka maaliyadda dalka, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka dib-u-dhiskooda, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayiraaddii hubka nalaga qaaday, kuna biirnay suuqyadii gobolka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo.”

Mudane Xamza ayaa wasaaradda maaliyadda iyo khubaradda kale uga mahad-celiyey dadaalkooda ku aadan geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013–2023), taasi oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqiijiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Ugu dambeyntiina wuxuu u jeediyey hay’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay.