Sidee u dhacay dilkii maanta ka dhacay shirkada Hormuud?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda Hormuud Telecom oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa faah-faahin ka bixiyay dhacdo sababtay dil oo maanta ka dhacday xarunta wayn ee Suuqa Bakaaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirkadda ay tageen laba nin oo hubeysan, isla markaana watay dareeska ciidanka, kuwaas oo doonayay inay lacag kala baxaan shirkadda, laakiin wuxuu maamulku sheegay in la ogaaday in Sim-cardka ay wateen aysan iyagu lahayn kadib markii laga shakiyay dhaq-dhaqaaqooda.

Intaas kadib labada nin ayaa baxay, waxayna keeneen gabar ay afduub ahaan usoo wateen, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa goobta ka dhacday israsaaseyn dhex-martay raggaasi iyo ilaalada Hormuud, waxaana goobta ku dhintay mid kamid ahaa labada nin halka kan kale uu baxsaday.

Waxaa weli soconayo baaritaano dheeraad, iyada oo kiiskan ay la wareegeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Maanta oo taariikhdu tahay Talaado, 15, Aktoobar 2024, abaare 7:30 subaxnimo waxaa Xarunta shirkadda ee Hormuud Telecom yimid laba qof oo rag ah oo wata darays ciidan oo doonayay in lamber aysan lahayn ay kala baxaan lacago.

Kadib maxaa dhacay?

Labada nin mid ka mid ah wuxuu soo galay xarunta, halka kan kalena uu mooto bajaaj ay la socdeen kuna sugayeen, Hubin ka dib howlwadeenadii shirkadda Hormuud waxay ogaadeen in qofkaas uusan lahayn lamberka uu lacagta ka dirsanayey wayna ka diidan in ay howshaas u qabtaan.

Daqiiqado ka dib waxay keeneen xarunta gabadh, gabadhiina waxay sheegtay in la soo afduubay, balaayaddu halkaas beey ka billaatay, Muran kii halkaas ka dhashay ayaa wuxuu keenay in ay qoryohoodii la soo baxaan, halkaasna waxaa ka dhashay in ay rasaas isweydaarsadaan ragii hubaysnaa ee xarunta yimid iyo waardiyihii xarunta. Halkaas waxaa ku dhintay mid ka mid ah labadii nin, kii kale ee Ciidanka ahaana wuu cararay.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayay saraakiisha shirkaddu markiiba la xiriiray, wixii macluumaad ahna dowladda ayey shirkaddu ku wareejisay.

Tuugadii gabadha afduubatay Hormuud way iska celisay, gabadhii iyo Hantideediina way bad baadisay shirkaddu. Hormuud waxay shacabkeeda Macaamiisha ah ugu baaqaysaa iney ilaaliyaan shukuucda adeegga, haddii shirkadda talaabo qaldan loola yimaadana way is difaacaysa oo Dowladda Soomaaliyeed ayaa ogolaashahaas siisay Hormuud.

Muwaadin (Macmiil) Hormuud hantidaada way ilaalinaysaa, sabab kasta iyo waqti walba oo macquul ah.