Sidee BF xilka uga qaadi karaa wasiirada xukuumada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka keenay mooshin dib u eegis loogu sameeynayo xilka wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaliya, Axmed Macalin Fiqi, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. 

Xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka oo sida ay noo sheegeen qaarkood gaaraya in ka badan 40 xildhibaan ayaa ku doodaya qodobo ay ku eedeynayaan oo ay ku jiraan “in wasiirka uu shaqadii wasaaradda curyaamiyay”. 

Waxaa ka mid ah sida uu sheegay xildhibaan Jeesoow oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ee mooshinkaan gudbiyay waxyaabaha ay ku eedeyeen wasiirka, arrimo la xiriira muranka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay “in wasiirku uu ka gaabay difaaca madaxbanaanida dalka”. 

Qodobada kale ay xildhibaanada mooshinka ka keenay wasiirka ku eedeeyeen waxaa ka mid ah “in ay jiraan xildhibaano badan ay walaac ka muujiyeen shirkad Soomaaliyeed iyo mid nin Talyaani ah uu leeyahay oo tartamay in tan Soomaaliga laga reebay in ay ka qeybgasho bandhigga ganacsiga ee lagu qabanayo Japan 2025-ka”.

Xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamaanka oo aan la xiriirnay ayaa shaki geliyay qaabka ay wax u socdaan iyagoo sheegay in aysan meesha ka marneyn siyaasad, oo ay dano kala leeyihiin saaxiibadooda mooshinka wada.

Balse Jeesoow ayaa ku adkeysanaya in mooshinkooda uusan siyaasad ku lug lahayn, oo ay ku egyihiin uuna arimaha quseeya dalka. 

Wasiir Fiqi oo aan la sameynay xiriir si aan wax uga waydiino mooshinkaan ay wadaan qaar ka mid ah xubanaha Golaha Shacabka ayaysan noo suuragalin inaan helno. 

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu hormuud ka ahaa wadahadalada Soomaaliya iyo Itoobiya. Si adag ayuuna uga hadlay mowqifka dowladda mar wax laga weydiiyay go’aankooda. 

Sidee Wasiirada Soomaaliya baarlamaanku xilka uga qaadi karaan? 

Wasiir in lala xisaabtamo ayaan ahayn wax ku cusub baarlamaanka Soomaaliya, sida horay u dhacday marar badan waxaa la horgeeyay golaha oo su’aalo ka waydiiyay msauuliyadiisa.

Sida uu qabo qodobka 69-aad ee dastuurka Soomaaliya in baarlamaanku u yeeri karo Ra’iisul Wasaaraha, Golaha Wasiirada, Gudoomiyayaasha Gudiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxbannaan, taas ayaana siineysa baarlamaanka awood ah in ay u yeeraan cidda ay doonayaan in ay la xisaabtamaan.

Balse hadii ay u arkaan in ku fashilmay xilka, ayaa waxaa ay ka qaadi karaan masuuliyadiisa, inkasta oo la baahanayo in la maro sharciyo dhowr ah. 

“Marka ugu horeysaa waa laga doodayaa mooshinka waana in uu isdifaaca wasiiraka hadii uu is isdifaaci waayo waxaa loo qaadayaa codka kalsoonida.”

Marka loo qaadayo codka kalsooni kala noqoshada ayay tahay in baarlamaanka ay joogaan ugu yaraan 139 mudane, kadib ayaa waxaa furmi kara doodda kalsooni kala noqoshadiisa, intaa kadib ayaa cod ah 50% +1 ay ka qaadi karaan xilka mid ka mid ah wasiirada dowladda.

Haatan sida uu sheegay xildhibaan Jeesoow xubnaha ku mideysan mooshinkaan ayaa gaaraya ilaa 46 mudane, sida u sheegay isagu. 

Sida uu qabo xeerkla baarlmaanka Soomaaliya wasiirka ayay tahay in lala xisaabtamo saddexdii bilood, waxaana dalban kara hor imaanshihiisa barlamaanka 10 ka mid ah xubnaha golaha.

Isha: BBC