Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabada Xamza uu ku fuliyay ballantii Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa yeelatay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, kaas oo shalay uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ahaa wasiirka howlaha guud.

Magacaabistan oo ku timid ballan-qaad uu madaxweyne Xasan Sheekh horey ugu sameeyay siyaasiyiinta iyo xildhibaannada reer Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xooggan.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Cabdifataax Suudaani: “Kuwii hore ayaaba waxbo qabanin ma kuwa kale ayaa kusoo darteen.”

Sakariye Cali Dayib ayaa isna waxa uu yiri “Hambalyo mudanayaal -shaqada alle ha idinku asturo.”

“Ra’iisul wasaare ku-xigeenka 3-aad waa goorma isna,” ayuu yiri Cabdalla Cusmaan Faarax.

Cabdiraxmaan Daahir Nuur ayaa sidoo kale wuxuu yiri “Xamza wax fikirkiisa ma magacaabi karee maskinka beenta ka daaya wax loo so meeriyey ayuu aqriyaye.”

Saki Xasan Maxamuud: “Lafta-gareen ra’iisul waasaare ku-xigeen labaad buu helay.”

Cusmaan Yaxye Cusmaan ayaa isna wuxuu yiri “Somalia naas nuujis badanaa nin walba boos ayaa loo raadinayaa dadkaan bulshada loo magacaabo maxay qabtaan waa yaabee, bulshadu sowtan wada qeylineyso oo isla dowlada ka cabaneyso umadaan ilaah ayaa umaqan waliba shacabka Muqdisho wey dhiban yihiin culeyskii dalka oo dhan ayay dusha saarteen dhib iyo dhaqaalo.”

“Waa arin fiican in dalku yeesho 2 ra’iisul wasaare ku-xigeen,” ayuu yiri Cabdikariim Cali.

Maxamed Xasan Sheekeeye: “Waddan shaqo abuuray laga sameystay oo aan loo daneyn arkaa.”