Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar todobaadkan lagu qaaday guriga safiirka Imaaraadka Carabta ee dalka Sudan, kaas oo lagu eedeeyay ciidamada dowladda Sudan.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo garab istaag loogu muujiyay Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka kasoo horjeedo xadgudubkaas oo kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah iyo diblumaasiyadda.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareyneysaa weerarkii lagula kacay xarunta Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Khartoum, iyadoo xaqiijisay diidmada adag ee ku xadgudubka noocan ah ee shuruucda iyo dhaqanka caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale waxaa lasii raaciyay“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah falalkan, kuwaas oo ah jebinta cad ee shuruucda caalamiga ah iyo anshaxa diblomaasiyadda”
Imaaraadka Carabta ayaa horay si caro leh uga falceliyay kadib markii la weeraray, oo si xun loo waxyeeleeyey guriga safiirka u fadhiya dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Sudan..
“Imaaraadka Carabta wuxuu si kulul u cambaareynayaa weerarkii foosha xumaa ee lagu beegsaday hoyga uu magaalada Khartoum ka degan yahay madaxa howlgalka Imaaraadka Carabta, oo ay geysatay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Sudan, kaasi oo burbur xooggan uu ka soo gaaray dhismaha,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay wakaaladda wararka rasmiga ah ee WAM.
Dhankooda ciidamada Sudan ayaa iska fogeeyay eedeynta loo jeediyay, waxayna ku jawaabee “inay cambaareynayaan oo ay beeninayaan eedeynta” Imaaraatka Carabta, waxaynta intaas ku dareen in aysan “bartilmaameedsan xarumaha diblomaasiyadeed, hay’adaha Qaramada Midoobay ama hay’adaha mutadawiciinta ah, oo aysan u rogin saldhigyo ciidan, islamarkaana bililiqaysan hantidooda.”
“Cidda fulinaysa falalkan foosha xun ee fulaynimada ah waa argagixisada, Jabhadda (Dacmu Sariic)… oo in ay waxaas oo dhan ku kacaan ay ku taageeraan dalal laga yaqaan caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada.