Somaliland oo dekad ka dhiseysa halki Itoobiya sheegtay in laga siiyey marin-badeed

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in la dhammeystiray wejigii hore ee qiimeynta dhismaha Dekedda Lughaya, taas oo gogol-xaadh u ah hirgelinta deked ganacsi oo laga dhisayo degmada qadiimiga ah ee Lughaya, gobolka Awdal.

Madaxweyne Cirro, oo Axaddii khudbad ka jeediyey Baarlamaanka, ayaa sheegay in qiimeyntii hore ee dhismaha dekedda lasoo gabagabeeyey, taasoo mustaqbalka u gogol-xaadhaysa in Lughaya noqoto xuddun ganacsi oo muhiim ah.

Khubaro ka socotay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland ayaa dhawaan sahamin ku sameeyey xeebaha Lughaya, iyagoo qiimeeyey goobaha ku habboon ee laga dhisi karo dekeddaasi.

Cismaan Daahir Jaamac, oo ka mid ah odayaasha deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay in injineeradii sahanka waday ay cabbireen labada dhinac ee magaalada iyo gudaha badda si loo helo meel ku habboon dhismaha dekedda.

Lughaya iyo xiisaddii is-fahamka Itoobiya iyo Somaliland

Lughaya ayaa hore xuddun ugu noqotay murankii ka dhashay is-fahamkii Itoobiya iyo Somaliland ee bishii Janaayo 2024, kaas oo dhigayay in Itoobiya la siiyo marin-badeed 20 km ah oo ay Somaliland kiraynayso muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somaliland siinayso aqoonsi.

Heshiiskan oo sababay fal-celinno kala duwan, ayaa taliyaha sirdoonka Itoobiya xilligaas sheegay in goobta la isku afgartay tahay Lughaya, inkasta oo arrintaas weli si rasmi ah looma caddeyn.

Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim, oo ka faallooda ganacsiga badda, ayaa sheegay in dhismaha dekeddani muhiim u noqon karo kobaca dhaqaalaha Awdal, isla markaana Itoobiya ay ka heli karto deked kale oo u dhow, maaddaama Lughaya ay ku taal meel aan ka fogeyn xarumaha tareenka iyo waddooyinka Itoobiya.

Wuxuu xusay in Lughaya hore u ahaan jirtay deked dabiici ah oo doonyuhu kusoo xidhan jireen, taasoo sii xoojinaysa muhiimada mashruuca.

Rejo iyo caqabado

Odayaasha iyo dadka deegaanka Lughaya ayaa muujiyey rejo iyo taageero ay u hayaan mashruuca, inkasta oo ay xuseen caqabado ay ka mid yihiin xaaladda waddooyinka deegaanka oo dhibaato ku keeni karta hirgelinta dekedda.

Cismaan Daahir Jaamac ayaa sheegay in markii hore dadka deegaanka keligood wadeen hindisaha, balse iminka ay dawladdu si rasmi ah u ballanqaadday. “Waxaan rejaynayaa in la dhiso, kalsoonina waan ku qabaa,” ayuu yidhi.

Si la mid ah, Sidiiq Muuse oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dekedda Lughaya haddii la dhiso ay noqon karto il dhaqaale oo shaqo-abuur u samaysa dadka gobolka.

Inkasta oo arrintani hore loo soo hadal qaaday xilligii Madaxweyne Axmed Siillaanyo, haddana mashruucu wuu hakaday, waxaana la sugayaa in xukuumadda cusub ay hirgeliso ballanqaadka.