SOMALILAND oo go’aan ka gaartay arrinta masaajidada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday go’aamo cusub oo looga hortagayo faafida cudurka halista ah ee Coronavirus ama Covid-19, xili ay saaka shaacisay Kiisas cusub.

Somaliland ayaa soo saartay go’aan gebi ahaanba lagu joojinayo in Salaadaha lagu tukado Masaajidda muddo afar todobaad ah, iyada oo dhowaan ay ka hor-yimaadeen qorshe noocan ah Culimada Somaliland, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in muddo afar todobaad ah ay sii xidhnaan doonaan goobaha waxbarashada, si uusan bulshada ugu sii dhex faafin cudurka Coronavirus.

Waxa kale oo ay xukuumada Biixi ku amartay Dadka Ajaanibta ah ee deegaanadeeda ku jooga bilaa sharciga inay iskaga baxaan muddo shan maalmood gudahooda.

Somaliland ayaa saaka shaacisay in deegaanadeeda laga helay Saddex kiis oo cusub, gaar ahaan Hargeysa iyo Boorama, kuwaasi oo ka dhigay kiisaska guud ee laga helay 5-kiis, halka Soomaaliya oo dhan ay tahay 28-kiis oo cudurkaasi ah.