Somaliland oo ka walaacsan xiriir cusub oo kooxda Al-Shabaab ay la yeelatay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xiriirka cusub ee kooxda Al-Shabaab ay la yeelatay Xuutiyiinta Yemen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay telefishanka Al-Carabiya ayaa shaaciyay walaacooda ku aadan iskaashiga cusub ee labada kooxood, kaas oo ku qotoma qalqal-galinta ammaanka gobolka.

“Waxa jira xirriir adag oo ka dhaxeeya kooxaha Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab, taasina waxay khatar ku tahay nabada gobolka,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu wasiirka ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xakameyso iskaashiga kooxahan, oo iyagu halis weyn ku ah amniga iyo degenaanshaha gobolka, sida uu sheegay.

“Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay qaado tillaabadii ay wax uga qaban lahayd wadashaqaynta iyo heshiiska u dhaxeeya labada dhinac,” ayuu yiri Wasiir Kaahin.

Wasiir Kaahin ayaa tilmaamay in Somaliland kaligeed mas’uuliyadi ka saarnayn ilaalinta nabad-gelyada marinnada badda cas, wuxuuna geesta kale caalamka ugu baaqay in ay door wayn ka qaatan xakamaynta dhaq-dhaqaaqyada khatarta ku ah ganacsiga gobolka.

Xiriirka iskaashi ee kooxaha Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen oo jiritaankiisa uu horey u xaqiijiyey Mareykanka, ayaa waxaa haatan isa-soo taraya walaaca laga qabo, iyada oo laga cabsi qabo in Xuutiyiinta ay Shabaab u daabulaan hub xooggan, xilli ay wajaheyso guluf culus oo iska kaashanayaan ciidanka Soomaaliya iyo shacabka hubeysan ee deegaanka.