SOMALILAND oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah MASAR, ayada oo xirtay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Masar, ayada oo ku dhowaaqday in ay xirtay Maktabad ay  Masaarida ku lahaayeen magaalada Hargaysa.

Bayaan kasoo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in la xiray Maktabadaasi, iyadoo geesta kale lagu xusay in is-afgaradkii ay horraantii bishan gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed laga gaaray guul wax ku ool ah.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in la xidhay maktabaddii Masaarida ee magaalada Hargeysa, iyada oo geesta kale uu guul ku soo dhammaaday is-fahankii dawladaha Somaliland iyo Itoobiya,”  ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyay telefishanka ku hadalka afka xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa iyadu si lamid ah Itoobiya khatar u aragta ciidamada Masar ee la filayo inay yimaadaan Soomaaliya, iyada oo maamulka Biixi uu si weyn uga xumaaday heshiiska difaac ee Soomaaliya iyo Masar, taas oo keentay xirista Maktabadii Masaarida ee Hargeysa.

Itoobiya oo shalay soo bandhigtay guulihii ay gaartay sannadkii 2016 ee tirsiga dalkaasi, ayaa soo bandhigtay sawirkii madaxweynaha Somaliland iyo kan ra’iisul wasaaraha Itoobiya xiligii ay saxiixayeen is-afgaradka.

Bandhiga Itoobiya ayaa loo fahmay in xukuumadda Abiy ay ka go’antahay inay hirgaliso heshiiska, oo wali aan rasmi noqon, kaas oo Somaliland ay sheegtay inuu dhow yahay in si buuxda loo saxiixo heshiiska.

Si kastaba, heshiiska labada dhinac ayaa sababay in uu xumaado xiriirkii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda labada dhinac ay kasii darto haddii Abiy u bareero xad-gudubka uu kula kacay madax-banaanida Soomaaliya.